U bood dhigaalka

Villa Somalia Oo Yeelatay Agaasimihii 5-aad Muddo 2 Sano ah

Sheeko:Dalka

Villa Somalia ayaa waxaa loo magacaabay agaasime cusub Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) kaas oo baday agaasimihii hore  marwo Aamina Saciid Cali

Villa Soomaaliya ayaa  yeelatay Agaasimihii 5-aad Muddo 2 Sano.

Halkaan ka  Akhriso Magacyada iyo sida ay u kala horeeyeen.

1. February 16, 2017: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa loo magacaabay Dr. Cali Saciid Faqi.

2. March 2, 2017: Abuukar Cabdi Cusmaan oo loo yaqaano Abuukar Baalle ayaa isna noqdey!

3. June 2017: waxaa Agaasimaha madaxtooyada noqday Fahad Yaasiin isaga oo hayey jagadaasi sanad wax ka badan.

4. August 2018: Dr. Aamina Saciid Cali ayaa Fahad ka dhaxashay jagada, horayna ku-xigeenkiisa u aheyd waxaa ay heysay 9 bil.

5. May 2019: Maanta ayaa agaasimihii 5aad loo magacaabey Villa Somalia, waana Nuur Diiriye Fuursad.

Goobjoog News