U bood dhigaalka

Viras  Cusub oo Dokumentiyada Cunaya, isla Markaana Dalbanaya Madax Furasho

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxay weeraro loo geysanayo Emailada iyo Dokumentiyada, kooxdan markii ay la wareegaan Filashada waxaa ay codsanayaan Madax furasho.

Weerarka waxaa lagu qaaday Computero ku shaqeeya Macintosh iyagoo la adeegsanayo barmaamijyo lagu isticmaalo Computerada Macintosh, waxaa kooxdan ay la magic baxday  Ransomware.

Khabiir xagga Compurada ayaa reuters u sheegay in noocyadan cusub ee weeradada ay soo bateen, iyagoo ay khatar ku hayaan shirkadaha ugu waaweyn aduunka.

Kooxdan oo xoogga saari doonta Computerada ku shaqeeya Windows-ka, marka ay qabsadaan Filasha waxaa ay codsanayaan ilaa Malaayiin Dollar oo Madax furasho ah.

Weerarada la xiriira ama loo geysto shirkadaha, shakhsiyaadka iyo dalalka waaweyn ayaa aad u soo batay, iyadoo ay halis tahay in la helo qaab looga hortago.