U bood dhigaalka

Virginia:Haweeney lala xiriiriyay Al-shabaab oo xabsiga laga sii daayay

Sheeko:War

Haweeneey soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay taageero siiso xarakada Al-shabaab ayaa laga sii daayay xabsi Ku yaalla Mareykanka. Haweeneydan ayaa lagu eedeeyay in ay lacago u ururineysay xarakada Al-shabaab oo uu mareykanka ku daray Liiska waxa loogu yeeray arga-gixisada .

Xubno ka tirsan maxkamadda ayaa tallaabada lagu sii daayay Haweeneydan walaac ka muujiyay iyaga oo sheegay in ay aad uga wal walsan yihiin ammaanka muwaadiniinta Mareykanka .

Hinda Cisman waa 44 jir haysata dhalasha mareykanka, waxaana laga sii daayay Xabsi ku yaalla gobalka Virginia kadib markii ay soo buux dhaafiyeen in ka badan 100 dad oo soomaali ah kuwaasoo isugu jira rag iyo haween.

Kaaliyaha xeer ilaaliyaha maxkamadda  kiiskan waday ninka lagu magacaabo Tod Greenberg ayaa sheegay in taleefoonka gabadhaan ay dhageeysanayeen tan iyo sanadkii 2009-kii ,waxaana wararkaasi haweeneydan lagu xiriiriyay weerarkii West Gate ee Kenya lagu qaaday bishii September 2013-kii oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 67 ruux.

Kaaliyaha ayaa sheegay in sidoo kale la dhageystay taleefoonka haweeneeydan laba maalmood kadib weerar Maaratoonkii Boston. Hinda Cismaan waxa ay wajaheeysaa 23 eedeeymood oo ay ka mid tahay edeeyn la xiriirta in ay maalgalisay urur argagixiso ah .

Hinda waa hooyo haysata lix caruur ah waxa ayna Mareyykanka degtay 25 sano ka hor.

23-kii  July ee sanadkan ayaa laga soo xiray Hoygeeda ,lacagaha ay gudbisay Al-shabaab waxaa lagu qiyaasay 8,350 Doollar. Rashiid Jaamac Barqadle oo ah ninka qaba Hinda ayaa sheegay qalad lagu xiray xaaskiisa oo uu sheegay in wax lug ah aysan ku lahayn eedeymaha loo soo jeediyay.

Rashiid waxa uu intaasi ku daray in dhaqan ay u leedahay soomaalida in ay is xiriiriyaan oo ay qaraabadooda iyo ehelladooda ay lacago u diraan ,isaga oo beeniyay lacago ay u ururisay xarakada Al-shabab . Dowladda mareykanka ayaa xarakada Al-shabaab sanadkii 2008-dii waxa ay ku dartay liiska waxa loogu yeero Argagixisada.

W/D: Aweys Xasan Maxamed.