U bood dhigaalka

Waa Kuma Cabdi qani Geelle Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Aqalka Sare

Sheeko:Amniga
Cabdi qani Geelle Mohamed ayaa ku guuleystay kursiga Sagaalaad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland.

senatorka 9aad ee Puntland kasoo baxay ayaa noqday Cabdi qani Geelle Mohamed isaga oo helay 52 cod isaga oo murashaxii la tartamayay cabduqaadir maxamed yuusuf uu helay 12 cod .

Cabdiqani Geelle Maxamed waxaa uu ku dhashay 1970, waa aabe xaasle ah, waxbarashada 1976-1980 dugsiga hoose, sare 1980-1983 dhexe Axmed Gurey Muqdisho, Muuse Galaal, SIDAM Diploma, 2004-2006 Post Graduate Diploma Kenya, 2010-kii Project Management heerka 1-aad F. University.

Wuxuu kasoo shaqeeyay Ha’adda Unicef, Bisha Cas, Islamic Charity oo uu ku xigeenka Madaxeeda Galkacyo iyo Burtinle isaga oo Puntland kasoo noqday wasiir xigeen duulista hawada, iyo Wasiir dowle wasaaradda duulista hawada iyo wasiirdu dowlaha kaluumeysiga ee xukuumadda madaxweyne Deni .

Goobjoog News