U bood dhigaalka

Waa Kuma Cabdirisaaq Maxamed, Senatorkii Seddaxaad ee u guuleystay Isbadal-doonka 2021

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gaba gabeyay doorsahada kursigii seddaxaad ee aqalka sare oo ay kuwada tartameen Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan.

Kursiga ayaa waxaa codad dhan  ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, halka musharaxa la tartamayay ee Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay .

Waa Kuma Senatorka la doorta ee Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan

Waxaa uu ku dhashay degmada Luuq ee Gedo halkaas oo waxbarashadiisa inta hoose kusoo dhigtay, waxaa uu sidoo kale wax ku bartay dhaqaalaha Gaheyr ee magaalada Muqdisho, waxaa uu kasoo shaqeeyey oo agaasime waaxeed ka noqday wasaaradda maaliyadda qeybta canshuuraha dadban.

14 sano waxaa uu deganaa Holland isaga oo halkaas ku bartay Compurter isaga oo 2003-dii wixii ka dambeeyey kusoo noqday Afrika, noqday ganacsade.

Waxaa uu ka mid ahaa dadkii IGAD u xilsaartay dhismaha Jubbaland iyo aasaaseyaasha Jaamacadda Kismaayo.

Mar uu la hadlay maanta baarlamaanka Jubbaland waxaa uu sheegay inuu doonayo inuu u shaqeeyo dadka iyo dalkii uu si lacag la’aan ah wax ugu bartay.

Goobjoog News