U bood dhigaalka

Waa kuma Ciyaaryahanka Soomaaliya matalay ee isaga oo Macalin ah Koobka u qaaday

Sheeko:War

Xulka qaranka Soomaaliya ee 17-sano jirada ayaa guul ka gaaray maalinnimadii shalay ahayd kadib ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka 17-sano jirada  Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ay la dheeleen dhiggooda Koonfurta Suudan.

Ciyaar ku soo dhamaatay 3 gool iyo 1, taas oo ay guusha ku raacday ayaa sababtay in ay Soomaaliya ay muddo dheer kadib ku guulaysato koob kubadda cagta ah.

Ciyaaryahanada sanadkaan matalayay dalka oo ay maamulka xulka iyo xiriirka ay geliyeen dadaal fara badan, ayaa waxaa kaalin wayn ka qaatay guusha macalinka hoggaaminayay xulka macalin Nuur Maxamed Amiin.

Hadaba waa kuma macalinkan isaga oo ciyaaryahan ah horay Soomaaliya koob ugu qaaday?

 Nuur Maxamed Amiin, ayaa horay Soomaaliya ugu soo hoyay guullo waawayn oo dhanka kubadda cagta u soo hoyay isaga oo macalin ah iyo isaga oo ciyaar yahan ah.

Muddo dhowr sano ah ayuu macalin Nuur dadaal badan geliyay soo saarista ciyaaryahanno da’yar ah kuwaas oo matala qaranka marka la joogo kubadda cagta.

Ciyaaryahanna badan oo magac ku dhex leh kubadda cagta Soomaaliya ayuu soo saaray macalinkaan mudada dheer ka shaqeynayay howlaha ciyaaraha Soomaaliya.

Marka laga yimaado xirfaddiisa Macalinnimo Nuur Maxamed Amiin, ayaa horay u ahaa ciyaaryahan kubadda cagta dheela kaas oo Soomaaliya soo matalaya dhammaadkii qarnigii ina dhaafay.

Macalin Nuur ayaa 14 sano oo xiriir ah matalayaya qaranka Soomaaliya, waxaana xirfaddiisa ciyaaraha ay ahayd mid aad u sareeyso.

Nuur Maxamed Amiin, ayaa wacdaro ka dhigay tartanka dalalka Carabta (All Arab Games) oo ay Soomaaliya martigelisay sanakdii 1979-kii, halkaas oo uu ka dhigay guullo taariikhi ah.

Macalin Nuur Maxamed Amiin, ayaa sidoo kale la xasuustaa koobkii uu u qaaday dalkeenna Soomaaliya sanadkii 1981-kii, markaas oo Soomaaliya ciyaarta kama dambeysta ah ee tartankii Bariga iyo Bartamaha afrika da’yarta 20 sano jirada ka jar, uu dhaliyay goolkii Soomaaliya ay ku qaadday guusha.

Macalinkaan ayaa koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ku guulaystay isaga oo ciyaaryahan ah iyo isaga oo macalinka xulka ah.

Goobjoog News