U bood dhigaalka

Waa Kuma Garyaqaan Cali Sheikh Gacal Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Senatorada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada doorashada kursiga labaad ee doorashada Aqalka sare dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ku matalaya BJFS.

Kuraasta maanta la dooranayo oo gaaraya illa seddax kursi ayaa kursiga labaad waxaa kuwada tartamay Cali sheikh Maxamuud Gacal iyo Cabdiqaadir Cabdi Axmed.

Cali sheikh Maxamuud Gacal ayaa ku guuleystay doorashada kadib markii uu helay codad dhan 68, halka Cabdiqaadir Cabdi Axmed uu helay 22 cod.

Cali Sheekh Maxamuud Gacal, waxaa uu ku dhashay degaanka Kuntuwaareey ee u dhaxeeya degmooyinka Marka iyo Baraawe, wax ku bartay iskuulka Masaarida ee Marka, kana baxaya Jaamacadda Lafoole.
Xilligii Siyaad Barre waxaa uu noqday guddoomiyaha dhalinyarada Banaadir 8 sano, xogheyaha waxbarshada ururka dhalinyarada Soomaaliyeed muddo 2 sano ah, weriyey Radio Muqdisho iyo qoraa Xidigta Oktobar isaga oo markii dambe wax ka dhigay Macalin kuliyadda xanaada xoolaha.
Burburkii kadib, waxaa uu shareecada islaamka ka dhigayey jaamacadaha dalka, garsoore maxkamadda gobolka Banaadir 11 sano, guddiga khubadarada ee diyaarinta dastuurka lagu dhaqmo.
Goobjoog News