U bood dhigaalka

Waa kuma Generalka Gadoodsan ee Hiiraan Abuukar Xuud, Taariikhdiisa

Sheeko:Amniga

Abuukar Xaaji oo ku magac dheer General Xuud oo horay uga tirsanaa xoogga dalka ayaa haatan waxaa uu Baladweyn ka hoggaaminayaa maleeshiyaad raadinaya dalab beeleed ka dhanka maamulka Hirshabelle.

Haddaba, Waa Kuma Abuukar Xuud:

General Xuud oo horay taariikh nololeedkiisa uga sheekeeyey Goobjoog News, waxaa uu bartay kulyada Siyaasada, waxaa uu heerka labaad ee Jaamacada  “Master Degree” uga baxay mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaal wadanka Ruushka, waxaa uu soo noqday Talihii horrinta 1-aad ee ururka magaalada Dhuusamareeb iyo Hargeisa ee Waqooyi ee dowladii Maxame SIyaad Barre, sidoo kale waxaa uu qeyb ka ahaa dagaalkii u dhaxeeyay Somaaliya iyo Itoobiya ee dhacay Sanadkii 1977.

General Abuukar Warsame ayaa soo noqday abaanduuliyihii ciidanka ururka 13aad ee Magaalada Jigjiga, taliyihii guutada 22-aad ee Magaalada Gibileey, Taliyihii dugsiga Mandheera, taliyihii gaaska 5-aad Laascaanood, waa khabiir siyaasadda iyo abaanduulka, waxaa uu sidoo kale dhanka ammaanka lataliye uu noqday dolwadii ku meel gaarka aheyd ee  Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Goobjoog News