U bood dhigaalka

Waa Kuma Iftin Iimaan, Senatorka Afaraad ee u guuleystay Isbadal-doonka 2021

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gaba gabeyay doorsahada kursigii afaraad ee aqalka sare oo ay kuwada tartameen Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan.

Kursiga ayaa waxaa ku   guuleystay Iftin Xasan Iimaan kadib markii uu uga tanaasulay musharixii la tartamayay.

Waa Kuma Senatorka la doorta ee Iftin Xasan Iimaan

Waxaa uu ku dhashay, oo ilaa heer dusgi sare ku qaaday degmada Kismaayo ee Jubbanad hoose, waxaa uu jaamacadda ku qaatay dalka Kenya isaga oo halkaas ka ahaa ganacsade.

2006-kii wixii ka dambeeyey waxaa uu ahaa siyaasi, isaga oo guddoomiye ku xigeen ka noqday guddiga dib u heshiisiinta Jubbaland, waxaa uu sidoo kale horay uga tirsanaa baarlamaanka Jubbaland iyo baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah ka noqday Senator.

Senatorka ayaa sidoo kale xulafo la ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan sheikh Maxamuud ee UPD.

Goobjoog News