U bood dhigaalka

Waa Kuma Musharax Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, Akhriso Loolankii uusoo galay 30-kii sano ugu Dambeysay

Sheeko:Amniga

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Adan Madoobe) oo ahaa musharaxii ugu horeeyey ee sheega inuu u tartamayo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ayaa goordhow waxaa uu qaatay shahaadada diiwaan gelinta isaga oo dhameystiray habraacyada loo baahnaa oo ay ku jirto bixinta lacag dhan $20,000.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii saacado kahor iska casilay jagadai Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Himilo Qaran, laakin taasi meesha kama saareyso gacan saarka uu la leeyahay musharax madaxweyne Shariikh Sheekh Axmed oo ah hoggaamiyaha xisbiga HIMILO, qeybna ka ah tartanka madaxweynnimada ee Soomaaliya ee 2022-ka.

Qoraal kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Madoobe uu iska casilay jagada HIMILO si uu uga hoggaansamo sharciga oo dhigaya qof walba oo raba inuu u tartamo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa laga rabaa inuu iska casilo xilka uu ka hayo xisbiga uu ka tirsanyahay.

Madoobe ayaa sidoo kale la arkayey todobaadkan isaga oo kulamo la leh safiirada beesha caalamka, iyada oo la rumeysan yahay inuu kala hadlay musharaxnimadiisa.

Inkasta oo Madoobe aanu keligii ku aheyn tartanka jagada guddoomiyenimada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad hadana waxaa uu marar badan ku celiyey inuu taageero ka heysto mucaaradka.

Dhanka kale, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa soo gaaray caasimadda Muqdisho isaga lagu wado isaga oo diidan musharaxnimada Aadan Madoobe, doonayana in looga dambeeyo xulista kursiga ugu sareeya ee Koonfur Galbeed ay ku leedahay dowladda federaalka ah.

Lafta-gareen ayaa la sheegayaa inuu wato rag ay ka mid yihiin guddoomiyihii ugu dambeeyey ee baarlamaanka Koonfur galbeed, soona noqday safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Saciid Fiqi.

Haddaba, Waa Kuma Aadan Madoobe, Musharaxa Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Sheekh Aden Madoobe, waxaa uu dhashay  Xudur oo ka tirsan Bakool 15 April 1956, waxaa uuna siyaasadda ku jiray rubuc qarnigii tagay isaga oo ku xigeen ka noqday jabhadda xoreynta Raxanweyn ee RRA, waxaa uuna muddo dheer olog la ahaa Itoobiyaanka.

Markii Carta lagu dhisay dowladdii TNG ee madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxaa ka hor yimid oo mucaaraday xukuumadda Salaad dhammaan hoggaamiye kooxeedkii, laakin waxaa ay RRA ku eedeysay Aadan inuu ka baxay jabhadda, oo uu la shaqeeyo maamulka Cabdiqaasim Salaad.

January 2005, dowladdii TFG-da ee madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa ka dhigtay wasiirka cadaaladda. Xaabsade iyo kuwa ka tirsan hoogaanka RRA ayaa mar kale ku eedeeyey Madoobe inuu weerar ku ahaa caasimadda maamulkooda ee Baydhabo, isaga oo la shaqeeyo madaxweyne Cabdullahi Cabdullahi, waxaa uuna ka mid ahaa saraakiishii dowladda TFG geysay magaalada Baydhabo, isla markaana martigelisay.

Markii kalsoonida lagala noqday afhayeenkii baarlamaanka ee TFG-da Shariif Xasan Sheekh Aadan, Sheekh Aadan Madoobe ayaa noqday guddoomiyaha baarlamaanka  January 31, 2007, xilliyadaasi eedeymaha loo heystay waxaa ka mid ahaa inuu xiriir la lahaa islaamiyiinta, gaar ahaan maxaakiimta Islaamka.

29 December 2008, markii uu iscasilay madaxweynihii Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed, kadib markii ay isku dhaceen ra’iusl wasaare Nuur cadde, waxaa madaxweyne KMG ah noqday Aadan Madoobe.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa afhayeen xukuumadda ayaa sidaasi ku sheegay war saxaafadeed uu qabtay, waxyar kadib is casilaadda Cabdullahi Yuusuf.

April ilaa May 2010, waxaa uu khilaaf soo kala dhexgalay Adan Madoobe iyo ra’isul wasaare cumar Cabdirashiid, taas oo soo dedejisay in Madoobe meesha ka baxo.

Jagooyinka kale ee xukuumadda uu ka qabtay waxaa ka mid ahaa isaga January 2014, noqday wasiirka warashada iyo ganacsiga,

Sheekh Aden Madoobe  waxaa uu qeyb ka ahaa dhismaha maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo u doodayey deegaanno ay ka mid yihiin Ceel Barde, isaga oo yiri “ Ceelbarde waxaa degan  4 Beel, isla markaana aanay hal beel dhihi Karin ma rabo, ma jirto dhul la rari karo,  Ceel Barde waxay ka mid tahay  Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed”.

Haddaba, marka intaasi aan soo sheegnay laga soo tago, fadlan hoos noogu reeb ra’yigaada fursadaha uu heysto, lana soco musharaxiinta kale.

Goobjoog News