U bood dhigaalka

Waa Kuma Prof Samatar Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Senatorada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga seddaxaad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare.

Kursiga seddaxaad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Prof Cabdi Ismaaciir Samatar, Prof Maxamed Maxamud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cusmaan Cali.

Doorashada oo leysla dhaafi waayay wareegga Koobaad ayaa waxaa loo gudbay wareegga labaad, markii ay soo dhamaatay tirinta codadka wareegga labaad ayaa lagu dhawaaqay natiijada.

Kursiga ayaa waxaa ku soo baxay Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo helay 24 cod  , halka uu  Prof Maxamed Maxamuud uu helay 21 cod.

Waa Kuma 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Taariikhda Prof. Cabdi Samatar waa 59 jir ku dhashay magaalada Gebiley ee waqooyi galbeed, ee Somaliland.
Xagga waxbarashada, cilmiga waxbarashada ayuu ka bartay University of Wisconsin–La Crosse, cilmiga qorshaha magaalooyinka ayaa waxaa uu ka diyaariyey Masterka Jaamacadda Iowa State halka PhD uu ka dhigtay UC Berkeley.
Hadda waxaa uu Geography ka dhigaa University of Minnesota, cilmi baarana ka ah University of Pretoria, buugaag badan ayuu qoray waxaa ka “Africa’s First Democrats’.
Prof. Samatar waxaa uu caan ku yahay falanqeynta siyaasadda, isaga horay qeyb ka ahaa doorashada, noqdana guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo hufnaanta, maanta waxaa loo doortay Senator baarlamaanka 11-aad.