U bood dhigaalka

Waa Kuma Senator Cabdixakiim Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug lagu doortay kursigii Shanaad ee Senatorada Aqalka sare galmudug ku matali doonta.

Senator Cabdi Xakiin Macalin Axmed  kadib markii uu helay uu u tanaasulay musharixii la tartamayay oo lagu magacaabo Ismahaan Cabdi Xuseen.

Cabdixakiim Macalin Axmed, waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka 10-aad, Ku dhashay Dhuusamareeb, waxaa uu ka baxay Jaamacadda Culuumta iyo Tecknolojiyadda ee Yemen, hadda waxaa uu hoghaye ka ahaa guddiga maamliyadda ee golaha shacabka iyo madaxa guddiga dhaliyarada ee baarlamaanka Afrika, kahor siyaasadda Koonfurta Suudaan waxaa uu jaaliyadda u ahaa xogheyaha guud muddo 10 sano ah, waana ganacsade, waxaa uu ka adkaaday Ismahaan Cabdi Xuseen.

Goobjoog News