U bood dhigaalka

Waa Kuma Senator Faroole Oo Markale Loo Doortay Aqalka Sare In Uu Ka Mid Noqdo

Sheeko:Amniga

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ku soo baxay tartanka senadatara kursigii ugu horeyay ee dowlad gobaleedka Puntland.

Faroole ayaa kaga guuleystay musharixii la taratamayay codad dhan 54 , halka Maxamed Cismaan Colaad uu helay 11 cod  .

Waxaa uu dhashay 1945-tii, waxaa uuna kasoo jeedaa degmada Eyl oo ka tirsan Nugaal waxaa uu wax kusoo batay Scuola Professionale Sanitaria ee Muqdisho, Jaamacadda umadda ayuu ka dhameeyey kuliyadda ganacsiga,waxaa kale uu Jaamacadda La Trobe University ee Australia ka sameeyey B.A, waxaa uu Master ka heystaa maamulka iyo maareynta.

Dhanka shaqada, waxaa uu soo noqday guddoomiyaha gobolka Nugaal, wasiirka maaliyadda iyo madaxweynaha Puntland, waxaa kale uu Senator ka noqday baarlamaanka 10-aad.