U bood dhigaalka

Waa Kuma Senator Saciid Siyaad Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug lagu doortay kursigii ugu horeyay ee Senatorada Aqalka sare galmudug ku matali doonta.

Senator Saciid Siyaad Shirwac  kadib markii uu helay uu u tanaasulay musharixii la tartamayay oo lagu magacaabo  Maxamed daahir.

Siciid Siyaad Shirwac, Waxaa muddo 20 sano ah ku jiray siyaasadda, qeybna ka ahaa shirirar dib u heshiisiinta, hadda xisbi kama tirsana, Siciid Siyaad Shirwac , hadda waa wasiirka deegaanka , waxaa isla oo isla maamulkaas horay uga soo noqday wasiirka maaliyadda. Samsam Daahir Maxamuud, waa Senator ka tirsan baarlamaanka 10-aad, 1984-kii ayey ku dhalatay Cabdudwaaq, waxay waxbarasho ilaa heer jaamacad ku qaadatay Muqdisho iyo Master ku sameysay dalka Maleysia, waxay kasoo shaqeysay samafal, October 16, 2016-kii ayey noqotay gabadhii ugu horeysay ee Senator loo doorto, doorashada maanta dhacday, waxay ka adkaatay Farxiyo Maxamed guure

Goobjoog