U bood dhigaalka

Waa kuma waayeelka sida lama filaanka ah Elon Musk ugala baxay booska Shaqsiga ugu Hodansan adduunka?

Sheeko:Dalka

Bernard Arnault, oo ah guddoomiyaha shirkadda weyn ee alaabada raaxada ee Faransiiska LVMH (LVMHF), ayaa hadda noqday Yurubiyaankii  ugu horreeyay ee ka soo muuqda liiska koobaad ee Bloomberg oo shakbakad ka faaloota  dadka ugu qanisan adduunka.

Arnault oo 71 sano jir ah ayaa u dhashay dalka Faransiiska, waxaana uu noqday ninka kaalinta koowaad kala baxay Elon Musk oo muddooyinkii la soo dhaafay ahaa shaqsiga ugu hantida badan dunida.

Ninkan ayaa Hadda qiimiha lacagta uu haysto ay tahay $171 bilyan, hantida Arnault ayaa dhaaftay hantidii madaxa shirkadda Tesla Elon Musk oo hadda haysta  $ 164 bilyan sida laga soo xigtay Tilmaanta Billionaires ee Bloomberg.

Arnault ayaa horay Musk uga saaray liiska Forbes ee “Bilyaneerka dhabta ah” usbuucii hore, waxaana uu hadda kala wareegay qiimaynta ay sameyso Bloomberg.

Qiimaha saafiga ah ee Musk ayaa hoos u dhacay $107 bilyan sanadkan, sida laga soo xigtay Bloomberg Billionaires Index. Hantida Arnault, oo ka timid saamigiisa shirdkadda  LVMH, waxa soo gaadhay hoos u dhac aad u yar oo dhan $7 bilyan sanadkaan.

Wayeelkaan ayaana milkiilaha shirkaddaha Tesla, Twitter iyo kuwa kale ee Elon Musk ka baxsaday liiska shaqsiga ugu hantida badan caalamka.

Goobjoog News