U bood dhigaalka

Waa Kuma Wasiirrada Cusub Ee Caafimaadka Iyo Waxbarashada (Taariikh Nololeed)

Sheeko:Dalka

Akhristayaasha Goobjoog News, waxaan halkan ugu soo gudbineynaa taariikhda wasiirrada caafimaadka iyo waxbarashada ee la magacaabay iyo sida ay u soo shaqeeyeen.

Dr. Cabdiqadir Cabdi Xaashi:

Dhalasho: Magaalada Galdogob  ee gobolka Mudug 1960

Waxbarasho:

Shahaadada Koobaad waxaa uu ka diraayiyay Polictal science,    western university, London, Canada.

Master Public Administration oo ku taallo Brock, ST, Catherine’s, Ontario, Canada

Master International relation, West Virginia University, USA.

PhD candidate, West Virginia University, USA.

Isla Jaamacadda west Virginia university ayuu  bare ka noqday.

Shaqadiisa:

Waa Diblomaasi Soomaaliyeed waxaa uu horay uga soo shaqeeyay safaaradaha Soomaaliyeed ee dalalka Canada, Inigiriiksa iyo meelo kale.

2010: Dr. Cabdiqadir Cabdi Xaashi waa aqoonyahan horay u soo noqday wasiiru dowlaha qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah

2012-kii: Waxaa uu ka mid noqday Xildhibaannada federaalka ee Soomaaliya.

January 2015: Waxaa loo Magacaabay Wasiirka  Dastuurka, waa todobaad kadib diiday xukuumaddaas baarlamaanka federaalka.

June 24, 2016: Waxaa loo Magacaabay Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya, waxaa uu badalay Marwo Khadar Bashiir Cali.

Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer:

Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer oo loo doortay wasiirka caafimaadka, waxaa uu heystaa dhalasho dalka Mareykan ah, waxaa ay isku hooyo yihiin Madaxweynaha Koofur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aden, waxaa ay sidoo kale qaraabe soke yihiin wasiirka la badalay.

Dhanka Siyaasadda kama foga Sharif Xasan, waxaa uu horay u soo noqday Lataliyaha gaarka ah ee Shariifka, waxaa uu sidoo kale horay u sheegtay Madaxweynaha 3da gobol kahor inta aan la dooray jagadaas Sharif Xasan, waxaa lagu xasuustaa loolan adag uu la galay Aden Modoobe oo ku saabsanaa 3da iyo 6da gobol.

June 24, 2016: Waxaa loo  magacaabay wasiirka caafimaadka, waxaa lagu badalay  Marwo Xaawo Xasan.

Goobjoog News

Xogta waa mid u gaar ah Goobjoog, Lama xigan Karo ogolaashiyo la’aan.