U bood dhigaalka

Waa Kuma Xasan Xuseen Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Senatorada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada doorashada kursiga koowaad ee doorashada Aqalka sare dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ku matalaya BJFS.

Kuraasta maanta la dooranayo oo gaaraya illa seddax kursi ayaa kursiga koowaad waxaa kuwada tartamay Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku guuleystay doorashada kadib markii uu helay codad dhan 74 , halka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 cod.

Xasan Xuseen Xaaji waxa uu ka hor soo galitaankiisa siyaasadda ahaa Qareen mudo 20 sano ah, sidoo kale wuxuu soo noqday la taliyihii hore xaga dastuurka ee xafiiska madaxweynaha.

Shaqooyinka usoo qabtay waxaa ka mid ah xubin guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka, dhanka xukuumadda waxa uu ahaa wasiirkii hore cadaaladda xukuumadii kheyre, isaga ooo hadda ah wasiirka gashaandhigga.

Goobjoog News