U bood dhigaalka

Waa Kuwee sagaalka Kursi Golaha Shacabka ee Doorashadoodu Dhawaan La Qabanayo?!

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada Waqooyi ayaa shalay shaaciyay sagaal ka mid ah kuraasta Somaliland ay ku leedahay golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraastaan oo ay hadda ku fadhiyaan xubna ka mid ah baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday ayaa maanta la xareynaya Ergooyinkii dooran lahaa xildhibaanada cusub kuwaas oo tababar loo bilaabayo.

Hadaba Goobjoog News  waxa ay kula wadaageysa sagaalka kursi ee doorashadoodu la qabanayo maalmaha soo aaddan xildhibaanada afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay.

Kursiga koowaad oo ay subaddiisu tahay HOP#214 ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, kursiga labaad oo isna ay sumaddiisu tahay HOP#218 ayaa waxaa ku fadhiya Xildhibaan Cabdow Maax Faarax, Kursiga xiga oo isna ay sumaddiisu tahay HOP#226 ayaa waxaa ku fadhisay Xildhibaanad Maryan Maxamuud Ciise, Kursiga afaraad ee ay sumaddiisu tahay HOP#233 ayaa waxaa baarlamaankii 10-aad gobalada waqooyi ku matalayay Xildhibaan Yurub Axmed Raabi, kursiga kale ee shanaad oo ay shaaciyeen in ergadiisa maanta laxareynayo guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada Waqooyi kaas oo ay sumaddiisu tahay HOP#208 ayaa waxaa ku fadhiya xildhibaan Jamaal Xasan Ismaacil, Kursiga lixaad oo ay sumaddiisu tahay HOP#210  ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay xildhibaanada Faadumo Xasan Cali, Kursiga xiga oo ay sumaddiisu tahay HOP#202 ayaa waxaa ku fadhisa isna Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac, Kursiga sideed oo ay sumaddiisu tahay HOP#225 ayaa waxaa gobalada waqooyi afartii sano ee la soo dhaafay ku matalayay wasiirkii hore ee warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Kursiga ugu dambeya ee sagaalaad oo ay sumaddiisu tahay HOP#272 ayaa waxaa Somaliland ugu fadhiyay baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday Xildhibaan Guuleed Caydaruus Cige.

Sagaalkaan kursi ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda doorashadoodu lagu qabto magaalada Muqdisho, xilli maanta tababar loo furayo ergada dooraneysa xildhibaanada.

Goobjoog News