U bood dhigaalka

Waa Maxay Caqabadaha Horyaalla Taliyaasha Lamagacaabay

Sheeko:Dalka

Taliyaasha Booliiska, Nabad-sugidda iyo Asluubta ayaa magacaabay, ka dib ku dhawaad 4 bil oo uusan laheyn dalka taliyaashaan marka laga reebo Asluubta.

Taliyaha Booliiska ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed,  halka taliyaha nabad-sugidda loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen oo ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana uu horay uga mid ahaa golaha Xildhibaannada taliyihii hore ee Nabad-sugidda Cabdullahi Sanbaloolshe.

Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa loo magacaabay Gen. Bashiir Maxamed Goobe oo horay uu xilka uga qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Quburada dhanka ammaanka ayaa qaba in taliyaashaan Cusub ay caqabadaha kala siman yihiin inta badan kuwii uga horreeyay xilalka, Xuseen Macallin Maxamuud Khabiir amni waxa uu yir:

“Waxaa mar walba laga rabaa rajo aad u sareyso oo aan lagu saleynin dhabta jirta, oo ah in maanta taliye lamagacaabo barina laga sugayo in wixii oo dhan uu dhameeyo, marka rajadaas in la yareeyo ayaan qabaa si ay u shaqeystaan taliyaashaan “.

Aqoonyahannada qaar kood ayaa qaba in nabad-gelyada uu maanta u baahan yahay dalka ay tahay in laga bilaabo siyaasadda Dr Xasan Sheikh Cali waxa uu yiri:

“Dalkaani dhibaatadiisa ma ahan mid nabad-gelyo, waxaan kawadaa nabad-gelyadu waa siyaasad ee ciidan ma ahan, ammaanku waa siyaasad ee ma ahan nin qori wato, askariga qoriga wato waxa uu u adeegaa waa siyaasadda, marka siyaasaddaas loo adeegayo iyada ayaa keeneysa nabad-gelyada ama nabad-gelyo xumo”.

Waxaa xusid mudan in mudadii sanadka aheyd ee Madaxweyne Farmaajo uu xilka hayey min labo jeer la badalay Taliyaasha Booliiska, Nabad-sugidda, Milatariga iyo Asluubta.

Goobjoog News