U bood dhigaalka

Waa Maxay Qorshaha Wax Ka-beddelka Shaqada AMISOM  ee ay Ku Heshiiyeen Soomaaliya iyo Midowga Afrika?

Sheeko:Amniga

Tallaabo aan la ogeyn waxa ay uga duwantahay kuwii hore, Soomaaliya iyo midowga Afrika ayaa iminka ku heshiiyey sida ay mustaqbalka dhow noqoneyso shaqada iyo hawlagallada AMISOM, kuwaas oo waqtigooda la kordhiyey ilaa March ee sanadkan.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in shaqada ugu weyn ay noqoto markan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, loona helo arrinkaas maalgelin cad, si hawshan loo dardargelinaya guddiyo farsamo oo labada dhinac ah ayaa ka fariisan doona January 10, muddo  30 maalin ah ayaana lagu soo afjarayaa, iyaga oo qorshaha iyo qaabka uu noqonayo hawlgalka AMISOM ee ay ku heshiiyaanna hordhigi doona golaha nabadda iyo amniga ee midowga Afrika wixii ka dambeeya February 11.

Soomaaliya ayaa sanadkii ugu dambeeyey waxaa ay wadday qorshaha kala-guurka ee loo yaqaan Somali transition plan (STP), waxaa uuna qorshahan dhigayaa in AMISOM ay Soomaaliya sii joogto ilaa  2023, iyada oo Soomaalidana si aayar ah loogu wareejiyo meelaha xorta ah, wada hadallada arrinkan ayaa lasoo gabagabeyn doonaa ugu dambeyn February 2022.

Dokoment ay aragtay Goobjoog News oo ka hadlaya kulan dhex-maray African Union Commission iyo dowladda Soomaaliya, oo dhacay 18-19-kii August 2021-kii ayaa looga hadlaya qorshaha amniga iyo sida hawl-galka AMISOM noqon doono wixii ka dambeeya 2021.

Heshiiska waxaa ku jiray in meel fiican laga gaaray, la iskuna afgartay hirgelinta qorshaha STP, waxaa lasoo jeediyey la hormariyo hannaanka hoggaanka iyo go’aan qaadashada AMISOM ee heerarka FHQ, iyada oo lala kaashanayo UN-ka iyo beesha caalamkana la dejinayo hannaan isbadal oo la taaban karo iyo in Soomaalida ay magacawdo kooxo kala shaqeysa midowga Afrika, qaramada midoobey, midowga Yurub iyo UK sidii loo heli lahaa qaabka hawgallada iyo maalgelinta ee wixii ka dambeeya 2021.

AMISOM ayaa dalka soo gashay 2007-dii, inkasta oo halkii askari oo ka 20-ta kun ay ku baxdo bishii ilaa $1,000 oo aaney ku jirin qalab iyo caafimaad, hadana ma gelin  wax dagaalo ah  7-badii sano ee ugu dambeysay, waxaa uuna hawl-galkooda noqday mid fadhiid ah, oo biil uun ay ku ilaashadaan.

Al-shabaab, oo dowladda federaaalka ah dagaal kula jirta, waxaa ay  dib ula wareegeen goobo xor ahaa, waxaana kooxda u xiran jidadka caasimadda ka baxa ee aada gobollada halka magaalooyinka iyo degmooyinka qaar aaney adeeg iyo gargaar midna geyn karin xubnaha DF, taasi oo keentay in maamulka Muqdisho oo go’doon noqdo, tan oo caddeyn u ah shaqo la’aanka hawl-galka midowga Afrika iyo  marin-habaabinta ururkaasi ee  hawl-galkan 15 sano jirsaday.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye 

Goobjoog News