Waa Maxay Sababta Puntland U Hakisay Doorashada Aqalka Hoose? Somaliland, Puntland, Jubbaland  Iyo Guddiga Doorashada Ayaa Ka Hadlay

Maamulka Puntland ayaa si cad u hakiyay doorashada dadban gaar ahaa doorashada aqalka hoose kadib markii uu ka cabtay kuraasta aqalka sare ee Somaliland iyo qarash la’aan.

Hakinta doorashada aqalka hoose ee Puntland waxaa ay abuurtay hadal-hayn iyo qal-qal dhanka doorashada ah, iyadoo la sheegayo in Jubbaland ay ku jirto dhexdhexaadinta.

Goobjoog News ayaa  arrinkaas kala xiriirtay guddiga doorashada heer federal iyo guddiga doorashada dadban ee Puntland, guddoomiyaha doorashada Somaliland, maamulka Jubbaland iyo xitaa Garaad ku nool Buuhoodle oo ka tirsan Togdheer, Somaliland.

Dhammaan dadkan waxaan weydiinay sababta doorashada aqalka hoose loo istaajiyay, maxaa xiga, saameynta ay arrinkaas ku leedahay doorashada 2016-ka iyo xalka arrinkaas laga gaari karo.

Guddoomiyaha doorashada Dadban ee maamulka Puntland  Nabaddoon Khalif Aw-Cali ayaanu weydiinay sababta dhabta ah ee doorashada aqalka hoose looga istaajiyay Garoowe.

Mr. Khalif oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Shirkad ayaanu kula heshiinay in bil kasta marka doorashada la qabto lacagta la soo daayo, 2-badii ugu horeysay markii aan qabanay baa arrintaasu soo baxday oo sidii la waayey, waxaa nagula wargeliyay in haddii qarashkii hore aan la bixin aan  doorashada la martigelnayn, arrintaas waa jirtaa oo guddiga doorashada ee heer federal waan u gudbinay”.

Nabaddoon Khalif Aw-Cali  waxaa uu intaa raaciyay“Iyadoo arrinka sidaa u taagan tahay ayey dowladda Puntland soo saartay qoraal ay kaga cabaneyso kuraasta aqalka sare ee Soomaaliland taas oo gobollada qaarkood dadka dega ay wax ka tirsanayeen, arrintaasina mar labaad ayaa nagula wargeliyay in doorashada la hakiyo inta arrintaa laga xalinayo, marka rurntii labadaas problem-ba wey jiraan welina lama xalllin”.

Garaad Cabdirisaq Garaad Saafi oo ka tirsan odoyaasha dhaqanka beelaha Sool ayaa Goobjoog News u  sheegay in 3-da kursi ee deegaannadaas Sool, Sanaag iyo Togdheer loo qoondeeyay ay ku leeyihiin maamulka Somaliland, si ku qornaa war murtiyeedkii madasha qaranka ay so saartay, garaadka waxaa uu intaa raaciyay in ilaalinta kuraasta ay dusha ka saran tahay  madasha qaranka, madaxda dowladda federaalka iyo beesha caalamka.

Gudoomiya Gudiga doorashooyinka Waqooyiga Soomaaliya Jaamac Maxamed Qaalib ayaan sidoo kale weydiiney haddii aqalka sare uu qoondo ka siiyay gobollada Sool iyo Sanaag, Qaalib waxaa uu Goobjoog News u sheegay in Sool iyo Sanaag aaney waxbo ugu jirin liiska 11-ka ah ee Somaliland.

“Waxaa jiray 3 xubnood oo ay ahayd in lagu daro liiska Somaliland  ee aqalka sare laakiin taasi ma dhicin” ayuu intaa raaciyay, isagoo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in ay jireen odoyaal mar u yimid oo arrinkaas kala hadlay balse aan dib ugu soo laaban, hal gabar oo gobolladaas ka socotana uu timidna uu ku daray liiska la gudbiyay ee murashaxiinta aqalka sare.

Waxaa jiro warar sheegayey in madaxweynaha Jubbaland Axmed Modoobe uu ku jiro dhexdhexaadin xal looga gaarayo khilaafka iyo in uu sidoo kale Madoobe uu ku qancay cabashada Puntland ee ku aadan qoondada gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan oo ka jawaabayey arrintaas waxaa uu meesha ka saaray in madaxweyne Axmed Madoobe uu arrinkaas ka hadlay isagoo intaa raaciyay in sheekooyinka ku saabsan dib u dhigista Jubbaland saxiixa Xildhibaannada la doortay ku tilmaamay mid been-abuur ah.

Madaxda dalka ugu sareysa iyo Xildhibaannada la doortay 2016-da qaarkood waxaa ay hadda ku suagan yihiin caasimadda Jubbaland ee Kismaayo, lama oga sababta dhabta ah, laakin Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay dhaqaajiyo doorashada Puntland ay hakisay.

Ugu dambeyntii, arrinta dib u dhigista Puntland ee doorashada aqalka hoose waxaan kala sheekeysany afhayeenka guddiga doorashada dadban ee heer federal Maxamed Keynaan.

Mr. Kenyaan ayaa dhankiisa sheegay in aanu ogeyn dhibaato lacageed oo ka jira doorashada dadban ee Puntland laakin waxaa uu intaa raaciyay in labo caqabad ay jireen taas oo ay ka warqabeen: qoondada haweenka oo cabasho ka jirtay  iyo ergada oo gobollo dhaadheer ka imaanaya, hadda ilaa 5 kursi ergadoodad ayaa joogta, doorashadana mardhaw ayey bilaaban-doontaa ayuu intaa raaciyay.

Dhinaca kale, mar uu ka jawaabayey sababta dib u dhaca keenay bixinta shahaadooyinka Xildhibaannada baarlamaanka waxaa uu sheegay in ay sugayaan inta la soo gabagabeynayo doorashada inta hartay xildhibaannada iyo inta ay guddiga khilaafaadka ay xalinayaan kuraas lagu muran san yahay.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW