U bood dhigaalka

Waa Maxay Shaqada Labaad Ee Laga Sugayo Xildhibaannada Labada Aqal?

Sheeko:Baarlamaanka

Maalintii shalay ahayd Talaado 28 December, waxaa magaalada Muqdisho lagu dhaariyey inta badan xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa waxay doorteen guddoon KMG ah, waxaana guddoonka lagu doortay da ahaan, iyadoo Labada aqal ee baarlamaanka laga sugayo shaqooyin aad u badan.

Shaqada ugu horreysa ee hadda laga sugayo xildhibaannada Labada aqal ayaa ah in marka hore aqal walbo kulankiisa gaarka ah qabsado, islamarkaana muddo 7 maalin shaqo ah gudaheeda ku doorteen Guddoomiyeyaasha iyo ku xigeennadooda.

Waxay diyaarin doonaan habka loo wajahayo doorashada guddoomiyeyaasha Labada aqal iyo sidoo kale ku xigeennadooda.

Haddii ay dhacaan doorashooyinkaasi, waxaana hadana la wajihi doonaa dorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News