U bood dhigaalka

Waa Maxay U Jeedka Guddiga Rooble Magacabay U Tageen Jowhar?

Sheeko:Amniga

Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa maanta waxaa gaaray guddi uu magaacay Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka ah Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana warar dheeraad ah laga helayaa ujeedada ay Jowhar u tageen.

Guddigaan oo ka kooban xubno wasiirro ah ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha General Mukhtar xuseen Afrax, waxaana ujeedkooda lagu sheegay ka qaybqadashada xalinta iyo dajinta khilaafka ka taagan magaalada Baladweyne.

Xiisadda magaalada ayaa waxaa ay ka dhalatay kadib markii reer Baladweyne ay ka horyimaadeen safar magaalada uu ku tagi lahaa madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo la baajiyey ka dib markii xaaladda magaalada ah cakiran tay.

Guddigaan wasiirrada ah ayaa lagu wadaa in ay ka shaqeeyaan sidii madaxweynaha uu u tagi lahaa Baladweyne iyo sidii loogu qaban lahaa kuraasta doorashaduudu ay taallo magaalada loona asteeyey in lagu doorto kuraasta ka tirsan golaha shacabka.

Wax garagda iyo Bulshada magaalada Baladweyne ayaa dhowr jeer oo hore sidaan u hor istagay safarka madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaana jirtay in waxgaradku dhowr jeer sheegeen in ay saluugsan yihiin dhismaha maamulka Hirshabeelle.

Goobjoog News