U bood dhigaalka

Waa Sidee Aragtida Taageerayaasha Galmudug?

Sheeko:Cayaaraha

Taaageerayaasha Kooxda Galmudug oo intooda badan la hadlay Goobjoog Sports ayaa u mahad celiyay Madaxda,Wasaarada Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug wada shaqeynta wanaagsan ay sanadkan sameeyeen,iyagoo sheegay in ay ku qanacsanyihiin bandhiga ay sameeyen xidigahooda.

Taageerayaasha Galmudug ayaa door wanaagsan ka qaatay dhiiri-gelinta ciyaaryahanadooda,iyagoo si weyn u soo camiray garoonka Eng.Yariisow kulamadii ay naadiga Galmudug la ciyaartay dhigooda kooxaha Gobolka Banaadir,Hirshabeela iyo Puntland.

“Ma gudi karno kaalinta taageerayaasheena,balse waxaan lee nahay mahad sanidiin,waxaad door wanaagsan ka qaadateen guulaha aan ka gaarnay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Xasan Axmed Shire

Daawo Aragtida Taageerayaasha Kooxda Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle