Waa Sidee Dhaqaalaha Dalka Marka Laga Qiyaas Qaato Shilin Soomaaliga ?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar uu dhawaan hadlay waxa uu sheegey in dalka uu ka jiro culeys dhaqaale, isaga oo sabab oga dhigey Shilin Soomaali la’aanta.

Waxa uu madaxweynaha sheegey in inkasta oo dakhligii dalka soo galayay uu kordhey, haddane ay jirto dhaqaale xumo ba’an oo laga dareemayo suuqyada iyo dhinacyada kala duwan ee dalka.

Haddaba muhiimad intee la’eg ayuu shilin Soomaaliga u leeyahay dhaqaale dalka, maxayse dhaqaale xumada jirta ka tareysaa in dalka uu helo shilin Soomaali cusub ?

Lacagta iyo Qiimaha Ay u Leedahay Shakhsiga , Bulshada iyo Dhalqaalaha Dalka.

 

Dhaqaalayahanadu waxay ku qeexaan lacagta; inay tahay shay dadka oo dhan ay aqbalsan yihiin inay wax ku bixiyaan waxna ku qaataan markay kala badalanayaan o alaabta iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin, ama daynta lagu bixiyo , haddaba shilinku waa lacag Jeeguna waa lamid oo isna waa lacag.

Lacagta waxaa loo qaybiyaa laba nooc:

  1. lacag xaqiiqa ah oo qiimaheeda ka tarjumaysa (Real Money): tusaale; pound British ee Dahabka ah oo kale.
  2. lacagta loo yaqaanno (Account Money) qiimaheedu dhab maaha haddana waa lacag , tusaale 1000 sh Soomaaliga een isticmaalno waa warqad oo qiime maha , laakiin waxay lacag ku tahay qaanuun dowladeed iyo in dadkoo dhani wada aq-balsan yahay.

Shaqada ay lacagtu qabato:

  1. waxbaa lagu kala badashaa .
  2. Qiyaasta Qiima kasta oo la wadaago.
  3. Kaydka Qiimaha , waxay ka dhigan tahay inaad geel badan iyo lo’ badan kuu kaydsantahay markaad lacag fara badan haysato.
  4. waa dayn aad bankiga ku leedahay oo kuu kaydsan.

Dadku kulli waxa ay u wada shaqeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen lacag, dadkoo dhani lacagta ayay bixiyaan si ay u helaan wixii ay u baahnaayeen ee adeeg ah.

Si lacagta loo yidhaahdo waa lacag waxaa lagama maarmaana in laga helo shuruudahan hoos ku xusan :

-In la qiyaasi karo waliba si sahlan .

-In si wayn dadku u wada aqbal-sanyahay.

-In la Qaybin karo oo loo sarifi karo qaybo yaryar laga dhigi karo.

-In la qaadan karo waliba si sahlan.

-Inanay si sahlan ku baaliyoobayn (ku baaba’ayn).

 

Muhiimadda ay lacagtu leedahay

Ka badbadin maaha haddaaan niraahno lacagtu waxay ahayd guulihii ugu waawaynaa ee aadanuhu nolosha kasoo hooyo ee uu kasoo gaaro, waxayna la mid tahay helitaankii xarfaha qoraalka , dabka…iwm, waxaana arrinkaa ka dhashay inay lacagtu noqotay mid muhiim u ah nolosha aadanaha marnaba aan laga maarmi karin , waana waxa kaliya ee dookha kala duwan la iskugu keeni karo laguna midayn karo.

Lacagtu iyadaa mas’uul ka ah waliba si toos ah , horumarka nololeed ee aadanaha ka muuqda,waxaa kale oo muhiima inaan ogaanno in hantida iyo lacagtu kala duwan yihiin , waana laba shey oo aan isku mid ahayn.

Shaqada Bankiga dhexe

Bankiga dhexe oo kaliya ayaa loo ogol yahay inuu lacag daabaco ama sameeyo dal kasta, sababaha bankiga dhexe loo sameeyo waxaa ka mid ah diyaarinta duruufta lacagta dalka si ay lacagtu u gudato ula jeedooyinka loo sameeyay iyo xambaaridda mas’uuliyada ah wax kasta oo ka dhalanaya ee ah hawlgallada maaliyadeed ee dalka ka socda.

Bankiga dhexe waa meesha kaliye ee laga dajiyo siyaasadda maaliyadda ee dalka , dhaqaalaha dalka oo dhanna laga maareeyo , waa bankiga koobaad ee dalka , waa kan la xisaabtama isla markaana ilaaliya bankiyada yar-yar ee ganacsiga , bankiga dhexe waxa uu uga duwan yahay bankiyada ganacsiga inaan lagu tashan helidda faa’idada ugu saraysa oo ay ku xisaabtamaan bankiyada ganacsigu , oo bankiyada gacansigu waxay ka shaqeeyaan siday ku gaari lahaayeen faa’idada ugu badan oo ay xaraysan karaan , laakiin baanka dhexe waxa uu xoogga saaraa maslaxadda qaranka oo markasta la jaan qaadda dadka danyarta ah .

Waxaa kaloo bankiga dhexe loo yaqaanna inuu yahay bankiga xukuumadda ,oo xisaabteeda oo dhanna ay ku kaydsato, waa wakiilka xukuumadda iyo la taliyiheeda dhinaca lacagta , maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka oo dhan, sidaas oo kale waxa uu xukuumadda ka kaabaa Hoos u dhaca miisaaniyadda, iyadoo aan la ogolayn miisaaniyadaa la kaabayaa inay ka badnaato %10 sida uu qorayo qaanuunka Bankiyada ee soo baxay sanadkii 1957-dii iyadoo waliba uu bankigu eegayo Dakhliga dowladda ee Sadexdii sanno ee lasoo dhaafay.

Bankiga dhexe isagaa maamula daynta guud ee dalka lagu leeyahay , awoodna u leh waliba inuu hormuud u noqdo haddii dayn cusub uu qaadanayo dalku.

Bankiga dhexe isagaa gacanta ku haya kaydka lacaga adag ee bankiyada ganacsiga, dowladaha qaar ;sida Masar oo kale waxaa loo ogolyahay bankiyada ganacsiga inay kaydsadaan %15 lacagta dalka iyo tan qalaad labadaba, waxayna ku xiran tahay dowlad kastaa siyaasadeeda maaliyadeed ee dalka , bankiga dhexe waa meesha ugu dambaysa ee lagu wada cararo marka ay timaado dhibaatooyin dhaqaale.

 

Sooyaalkiisii taariikheed ee Sh.So.
Markii ugu dambeysey ee la daaboco Shillin Soomaaliga waxay ahayd 1990-kii, xiligaasi oo ahayd markii ugu horeysey la daabacay lacag isku taala oo qiimaheedu yahay Kun Shillin (Sh.So 1000), taasi oo maanta ah lacagta kaliya ee laga isticmaalo dalka.
Magaca Shillinka waxa uu baxay 1921-dii xiligaasi oo gumeysigii Ingiriiska uu meelmariyey gaar ahaan qeybaha waqooyi ee dalka, laakiin 15kii bishii December, 1962-dii ayaa la qarameeyey Shilin Soomaaliga, xiligaasi oo bangiga dhexe ee Soomaaliya uu dabaacay lacag xaanshi ah oo qiimaheedu uu kala ahaa 5 shilin, 10 shilin, 20 shilin iyo waliba 100 shilin.
Isbadalkii labaad waxaa shilin Soomaaliga lagu sameeyey 1975tii iyo kii 1979kii oo dib uun loo daabacay isla tii hore, balse sanadkii 1983dii ayaa lagu kordhiyey 50-ka shilin ee xaanshida ah.
Kadibna ugu dambeystii sanadkii 1989 kii ayaa la daabacay 500 shilin iyo 1990kii oo la daabacay kunka shilin, markaasina ahayn xiligii ugu dambeysey ee lacag rasmi ahaan loo daaboco.
Maanta lacagtii waa ay duugoowdey, waana mid qadka kasii baxayso, waxaana jirey dhowr jeer oo dowladihii dhawaan dalka soo maray ay sheegeen in ay daabacayaan lacag cusub.
Haddii lacag cusub lasoo daaboco waxaa maanka lagu hayaa in meelo baddan oo dalka ma mid ah oo ay maamulo aanan dowladda waafaqsanayn ka jiraan aysan ka soconeynin, sidaasi darteed waxaa xoog badan in tii hore dib loosoo daaboco, balse tii hore lafteeda kaliya laga daaboco kunka shilin.
Waxaa jira fikir isna jira oo sheegaya in la daaboco tobon kun oo shilin ama boqol kun oo shilin si markaasi ay u sahlanaato in la isticmaali karo lacagta.
Haddii lacag cusub oo tii hore aan ahayn la daaboco ama la daaboco tii hore balse la kordhiyo tirooyinka sida aan soo sheegney, labaduba waxa ay noqoneysaa taariikh cusub oo Shilin Soomaaliga ah oo la xariiqayo.
Waxaa jirey mashruuc lacag lagu soo daabacayay dalka Suudaan, balse mashruucaasi ayaa horey loo hakiyey, haatana waxa uu wasiirka sheegayaa in golaha wasiiradda la horgeynayo qorshaha cusub, kadibna baarlamaanka laga ansixinayo.

Lacagta aan Maanta isticmaalno , lacag ma lagu tilmaami karaa Marka loo eego xeerka dhaqaalaha caalamka? Dhibaatada lacagtu ku jirto yaa lagu eedayn karaa oo u sabab ah?

Shillinka Soomaaliga ee aan haysanno maanta laguma tilmaami karo lacag marka loo eego qaanuuka Cilmiga dhaqaaluhu u dajiyay ee lacagta lagu garto , waxaan laga waayay mid kamida  mabaadi’da lagu garto lacagta ee caalamiga ah:

-Waxaa laga waayay mabda’a ah inay lacagtu sarifmi karto

-Inay si sahlan ku baaliyoobin oo isna badal kale ah , waxaan ognahay in lacagtu baaliyowday ooy wada baaba’san tahay

Lacagta Shillinka Soomaliga ah waxay lacag ku ahayd awood dowladeed kuna soconaysay waa sida mabda’ guud ee dhaqaaluhu timaamayo , mabda’aasi wuu badalan yahay dalkeena dhowr iyo labaatan kii sanno ee lasoo dhaafay , waxayna lacagtu ku socotay awooda dadwaynahay iyo rabitaan kooda, waxayna awoodeen shacabku in ay joojiyaan lacagtii 500 sh.so ee ka yarayd 1000-maanta aan isticmaalayno, dadwaynahana waxaa hogaamiya sarif layaal aan cidna u naxayn oo ka fakara dantooda oo kaliya bankgi dhexena iyagaa ka ah dalka , kolba sida ay doonaan ay sarifka ka dhigaan

-Shacabku runtii aadbuu ugu dhibban yahay , lacagta shillinka ee kunku ugu yaryahay uguna wayn yahay , markay u baahdaan shay 100-shillin jooga waxay ku khasban yihiin inay 1000-shilin kharash gareeyaan waana arrin aad u xanuun badan marka loo eego dhaqaalaha dalka.

-Dowladdu iyadaa mas’uul ka ah siyaasadda dhaqaalaha dalka , kaalintii bankiga dhexe ee dalka aadbaa loo tabay , jiritaankii bankiga dhexe wuu muuqdaa , laakiin kaalintiisii wax ku oolka ahayd ee siyaasadda dhaqaalaha dalka laguma hayo , waxa uu qabtaa howlaha bankiyada caadiga ah oo ah in lacag lagu kayd sado lagalana boxo markii loo baahdo.

-Waxaa kaloo meesha ka maqan kaalintii bankiga dhexe ee ahayd kormeerka iyo xakamaynta howlaha bankiyada ganacsiga , lacagtii dalka oo dhan waxaa gacanta ku haya bankiyada ganacsiga , haddii bankigiyaadi musalifaan shacabku meel ay hantidooda u raacaan ma yaqaanaan.

-Wixii ka dambeeyay 2012-kii waxaa muuqda xoogaa xasillooni ah oo shillinka Soomaaliga ka muuqda , oo intii mudadaa ka dambaysay lama arag kor-u-kac xooggan iyo hoos u dhac daran oo xagga sarifka ah , waana arrinka kaliya ee lagu amaani karo Dowladda maanta uu hogaamiyo madaxwayne  Xasan Sheekh.

Ugu dambayn waxaad mooddaa in siyaasadda dowladdu ku dhisan tahay in lacagta shillinka maanta suuqa ku jirta laga saaro ama ay iyadu iskeed suuqa uga baxdo , kadibna la keeno lacag ay shacabku ku khasban yihiin inay qaataan kadib markay waayaan wax kale oo u dhaama ama u badala , waxaase ka wanaagsanaan lahayd in lasoo dadajiyo lacagtaa ay dowladdu qorshaynayso ama inay dowladdu soo daabacdo lacagta shilin ah ee hadda la isticmaalo oo fara badan si meesha ay uga baxdo cabsida ah in shillinka la waayo , si loo helo xassillooni dhaqaale oo dalka oo dhan wanaag u horseedda, iyadoo markasta la ilaalinay inaanay lacagtaasi sicir-barar keenin.

W/D : Khadar Xuseen Maxamed iyo Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo)

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW