U bood dhigaalka

Waa Sidee Nolosha Dadkii Laga Soo Celiyey Liibiya?

Sheeko:Dalka

Cabdiraxmaan iyo qoyskiisa waxa dhibaatooyin isugu jira jirdil kufsi iyo xabsi oo ay ku jireen saddex sano kala soo kulmeen dalka Liibiya, balse maanta oo ay Muqdisho joogaan waa maalin ka duwan kuwii ay ku soo qaateen xabsiyada Liibiya.

Cabdiraxmaan iyo qoyskiisa socdaalkooda waxa uu ka bilowday Muqdisho iyaga oo la kulmay nolol ka duwan tii ay u baxeen. Cabdiraxmaan isaga oo la hadlaya Goobjoog News waxa uu yiri:

Dadka tahriibaya ayaa waxaa loo kala iibsadaa sida badeecadaha oo kale, iyaga oo gala socod saacado qaata si ay u gaaraan dalka Liibiya marka ay tagaanna waxaa u bilaabata nolol ciqaab ah taasi oo keentay in dhallinyaro badan ay u dhintaan. Cabdikariim oo ka mida dadka tahriibayaasha ah waxa uu yiri:

“Ninka Addis Ababa Jooga waxa uu hayaa Nambarka ninka jooga Liibiya isaga ayaa la soo hadlaya waxa uu oronayaa hadda ayaan soo diray safarkii, asiga lacag kaa qaadan maayo bilaash ayuu kugu dirayaa. Cuntada, biyaha iyo gaariga waxa qarash kugu baxayo oo dhan waa laguu xisaabinayaa, hadhowna lacagtaas oo isku xisaabsan ayaa lagu weydiinayaa”.

Dadkani shalay laga soo celiyey Liibiya ayaa waxaa la dajiyey xero ay horay u deganaayeen dadkii laga soo celiyey Yeman.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ballan-qaaday in dowladdiisa ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo sii deyn lahaa maxaabiis Soomaaliyeed oo hadda ku xiran dalal badan oo caalamka ah.

Goobjoog News