U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Amni Ee Deegaanka Moqokori?

Sheeko:Amniga

Xaalad deganaansho ah ayaa laga dareemayaa deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo maalin kahor ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Maxaas, Maxamed Cabdi Cawaale ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ku sheegay in Moqokori ay hadda si buuxda u hayaan ciidamada dowladda.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in dadkii maalin kahor ka barakacay degmadaasi ay durba dib ugu soo laabteen, adeegyadii bulshadana ay sidooda kusoo noqdeen.

“Ammaanka  Moqokori hadda waa uu wanaagsan yahay, wax dhib ah ma jiro, ciidamada dowladda ayaa amniga sugaya, waxaana sidoo kale ciidamada ay yihiin kuwo wada howlgallo, dadkii barakacay wey soo laabteen, adeegyadii bulshadana wey socdaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladd iyo Al-shabaab ayaa Jimcihii ka dhacay deegaanka Moqokori ee Hiiraan, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoog News