U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Baladweyn, Halkee Kala Joogaan Ciidamada?

Sheeko:Amniga

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya magaalada Baladweyn ayaa sheegaya in hadda ay xaaladda deggantahay, oo waanwaan ay socoto inkasta oo labo ciidan ishor fadhiyaan.

Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn ayaa sheegaya in xiisadda ay ku dhex jiraan wasiirka arrimaha dibadda ee federaalka ah Mukhtaar Xuseen iyo odeyaasha deegaanka.

Odeyaasha dhaqanka ayaa wasiirka arrimaha gudaha hordhigay dalabaad la xiriira cabashada ay dadka deegaanka ka qabaan maamulka cusub ee Hirshabelle iyaga oo qodobadaas sidoo kale ka saxiixay ciidanka jabhad beeleedka ah ee ku sugan Ceelgaal oo 13km u jira waqooyiga Baladweyn

Dhankiisa, wasiirka oo guddoomay dalabaadka odeyaasha ayaa sidoo kale balanqaaday in ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah iyo kuwa AMISOM aaney jajuubi doonin dadka, qeybna ka noqon doonin xiisadda isaga oo ka dalbaday iney magaalada jidadkeeda furaan, lana istaajiyo dibadbaxyada.

Rabshado shalay waxaa la sheegayaa iney ku dhaawacmeen ilaa 4 qof oo uu ku jira askari ka tirsan jabhadda soo weerartay magaalada.

Reer Baladweyn oo diidan maamulka cusub ee Hirshabelle ayaa markii 2aad ishor istaag ku sameeyey booqasho la filayey inuu halkaasi ku tago madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Goobjoog News