U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Deegaanka Kaxandhaale Oo Dagaallo Ay Ka Dhaceen?

Sheeko:Amniga

Wararka saakay oo sabti ah ka imaanaya deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud iyo deegaanno kale oo ku dhow deegaankaasi ayaa waxay sheegayaan in xaaladdu ay tahay mid deggan.

Lama soo sheegayo saakay wax dagaal ah oo halkaasi ka taagan, balse waxaa jirta hub uruursi Labada dhinac.

Waxaa xilli walbo la filan karaa in mar kale dagaallo ay ka dhacaan deegaanka Kaxandhaale iyo deegaanno kale oo ku dhow deegaankaasi.,

Mas’uuliyiin u hadashay Galmudug ayaa ugu baaqay beelahan dagaallamay iney xaaladda qaboojiyaan oo ay nabadda qaataan.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhimatay dagaalladii ka dhacay deeganaka Kaxandhaale iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay, waxayna beelahan isku haystaan dhul halkaasi ku yaalla.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News