U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Deegaanka Tukaraq Oo Dagaallo Ay Ka Dhaceen

Sheeko:Dalka

Dagaallo u dhaxeeyey ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa saakay mar kale dib uga billowday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana ka dhashay dagaalkan khasaare kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyey ee Goobjoog News, ka heshay goobaha lagu dagaallamay ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid deggan, islamarkaana Labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan kala wadaan.

Qof ku sugan deegaanka Tukaraq ayaa u sheegay Goobjoog News, in dhinacyada dagaallamay uu soo kala gaaray khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

In ka badan 10 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa naloo xaqiijiyey in dagaalkaan ay ku dhinteen, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Labada dhinac, Somaliland iyo Puntland ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalladan, waxaana dhan walbo uu sheegay in lasoo weeraray.

Goobjoog News