U bood dhigaalka

Waa Tuma Safiirka Cusub ee UK ee Soomaaliya?

Sheeko:Amniga

Kate Foster ayey boqoradda Ingiriiska usoo magacawday safiirka u fadhin doona Soomaaliya iyada oo badali doonta Ben Fender February 2021-ka.

Haddaba, Waa Tuma Kate?

2018-hadda: Xafiiska ra’isul wasaaraha, ku xigeenka madaxa arrimaha dowliga ah, xogheyaha amniga qaranka

2017: Madaxa waaxda istaraatiijiyadda Afrika ee barnaamijka horumarinta caaaliga ah

2015-2017: Yamen ayey joogtay iyada oo madax ka aheyd horumarinta caalamiga iyo xasaradaha ee Afrika iyo Yemen.

2014-2015: Hey’adda Ka jawaabiyadda Ebola ayey UK madax uga aheyd dalka Sierra Leone

2012-2014: Shirkadda horumarinta ee Crown, agaasime ku xigeen, arrimaha xasaradaha iyo banii’aadnimada

2011-2012: Save the Children, agaasime barnaamij, jawaabaha degdegga ah

2008-2011: Agaasime barnaamij, Save the Children, Koonfurta Suudaan

2006-2008: Isku duwe ka aheyd International Rescue Committee

2004-2005: Waxaa ay ka shaqeyn jirtay UNHCR, xagga dhalinyarada ee dalalka Sierra Leone iyo Liberia

1999-2004-tii, waxaa ay ka shaqeyn jirtay shirkada gaar ah