U bood dhigaalka

Waajid: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Al-shabaab waabarigii saakay ku dhexmaray duleedka degmadaasi, kaasi oo khasaare kala duwan ay ka dhasheen.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lahaayeen halkaasi, waxaana dagaalka uu ahaa mid saacado socday.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee degmadaasi Cadow C/raxmaan Jibriil oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay maalmihii ugu dambeeyay wadeen howlgallo, balse ay weerar kala kulmeen Al-shabaab.

Ammaanka ayuu sheegay in haatan  yahay mid hagaagsan, wuxuuna tilmaamay iney dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, balse tiro ma aanu sheegin.

Sidoo  kale guddoomiye ku xigeenka ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta, kuna saabsan in Al-shabaab ay la wareegeen degmada Waajid.

“Nabad diidka ayaa weerar ku qaadey ciidamadeenna oo ku sugnaa duleedka degmada, waa la iska caabiyey, khasaare xooggan ayaa soo gaaray, weyna kala carareen, aniga oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Waajid waxaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan  ku suganahay degmada, cid qabsatayna malahan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen iney la wareegeen inta badan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Goobjoog News