U bood dhigaalka

Waaliddiinta Soomaaliyeed Ee Magaalada London Oo Carruurtooda Dib Ugu Celinaya Bariga Africa.

Sheeko:Dalka

Boqollaal waaliddiin British ah ayaa u diray carruurtooda Bariga Africa si looga fogeeyo inay ku dhacaan dambiyo la xiriira dil loo adeegsado middiyo oo kusoo batay magaalada London waxaana jirtay in sannadkaan oo kaliya ay dhaceen 51 dil oo loo adeegsaday middiyo.

Dhallinyarada loo celiyey Bariga Africa ayaa sheegay inay dareemayaan amni iyadoo xafiiska Arrimaha Dibadda uu ka digayo dhammaan safarrada lagu aadayo Soomaaliya iyo qatarta argagixiso ee ka jirta Africa.

Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Aamina oo ay BBC wareysatay ayaa ka sheekeysay sheeko naxdin leh oo ku saabsan sida wiilkeeda oo 15 jir ah loo middiyeeyey afar mar 17 maalmood kaddib markii uu kasoo laabtay dalka Soomaaliya.

Hooyo Aamina waxay sheegtay in middidu ay waxyeello u geystay Kalyihiisa iyo beerka oo ay ku noqotay waxyeello joogto ah. Sannadkii hore Xafiiska Arrimaha Dibadda ayaa ku tilmaamay Soomaaliya waddanka 13aad ee ugu qatarta badan adduunka sababo la xiriira qatarta argagixisada.

Shanti qoys oo Soomaali ah ee deggan magaalada London laba carruur ah oo ka mid ah ayey u diraan Soomaaliya si ay uga fogeeyaan dambiyada loo adeegsado middida ee ku sii baahaya magaalada London.

Rakhia Ismail, oo ah hooyo afar carruur ah leh oo timid magaalada London iyadoo qoxooti ah ayaa sheegtay in waaliddiintu ay u qaadanayaan go’aankan iyagoo aaminsan in nolosha carruurtoodu ay ku badbaadeyso.

Illaa iyo hadda 100 qof ayaa u dhimatay sannadkaan middi dalka UK. Saaka nin da’diisu tahay 30 jir ayaa middi lagu dilay magaalada London taasoo ka dhigeysa in London oo kaliya middi lagu dilay 51 qof.

Daily Mail.