U bood dhigaalka

Waalidiin Ilmahoodu Ku Xiran yihiin Mareykanka oo Codsanaya in Lasii Daayo

Sheeko:Dalka

Waalidiin ilma ay dhaleen in muddo ah ay ku xiran yihiin dalka Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya iyo Mareykankaba ka codsanaya in ilmahadooda loo sii daayo.

Waalidiin iyo qaraabo kala duwan oo maanta soo booqday xarunta Goojoog News ayaa codsanaya in la sii daayo caruurtooda oo in muddo ah ku xiran dalka Mareykanka.

Hooyo Caanood Maxamuud Yusuf oo ah eedada C/llaahi Maxamed ayaa tiri:

“Anigoo ah wiilkaas eedadiis abihiis la dhalatay waxa uu ku soo koray gurigeyga, anigaa gacanta ku hayn jiray, wuu iga tahriibay, wuxuu iga maray dhibaato badan, waxaa la iiga xiray waddanka Mareykanka gobolka Florida, waxa uu xiran yahay sanad iyo 8-bilood, wax lagu haysto oo dhibaato la yiraahdo ma jiraan, wuxuu dhahay, waxaa nala yiri dowlad baad leedihiin waddankiina u laabta, madaxweynaha iyo beesha caalamkaba waxaan ka codsaneynaa doladda Mareykanka iyo dowladda Soomaaliyaba in dadkaa la fiiriyo, maadaama madaxweyne kastaa maadaama uu xilkiisa ka dagaayo dadkii sanad iyo sideed bilood u xayirnaa waa inuu dadkeenna naloo fasaxo, in lagu jiraa xabsi waa adduunna waa aakhirana waa”.

Cabdi Maxamed Ayaanle oo la dhashay Nuur Maxamed Ayaanle oo ku xiran dalka Mareykanka ayaa isna yiri:

“Waxaan la dhashay wiilasha meesha ku xiran ee ku dhibaateysan oo la yiraahdo Nuur Maxamed Ayaanle, Nuur wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, waxa uuna ahaa isha kaliya ee reerku ku tiisan yahay inta aan la xirin, dhibka nasoo gaaray waxa uu ahaa waxaan ahayn dad agoon ah,  Nuur markii uu baxayay wuu ka qariyay maamada, Nuur markii maalmo la la’yahay ayaa xanuunno la soo darseen maamada, maamada xanuunkeedee markii uu sii darsaday dhakhaatiirtu waxay ka heleen cudurka la yiraahdo Sonkorowga, runtii saacadda aan imika idinla hadlayo iyo maalinkii uu Nuur baxay waa wakhti 2-sano ku dhaw, hooyo sonkorteedu 400 kama dagto”.

Mid ka mid ah dhalinyarada ku xiran xabsiyada Mareykanka gaar ahaan Florida ayaa noo sheegay:

“Waxaan ahay Nuur Maxamed Maxamuud, gaar ahaan waxaan joogaa gobolka Florida, waxaan soo galay bishii 8, 2015, Mareykanka, kiiskaygii waan ku guuldareystay”.

Waalidiintan ayaa eedaynta ugu badan u jeedinaya safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka oo ka gacan jiidaysa iney arrinkooda fududayso, balse xiriirro aan la sameynna safaaradda iyo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya noomey suurogalin inaan helno mas’uuliyaan aan xiriirka la sameynnay.

Dadkan ayaa dalbanaya in dowladda Soomaaliya ay wax kala qabato xirnaanshaha wiilashooda sidii looga sii dayn lahaa xabsiga Mareykanka iyadoo ay sheegeen in xabsi la iskaga jiraa ay tahay Adduuno.

Goobjoog News