U bood dhigaalka

Waalidiinta Dhalay Dhallinyaradii Lagu Duqeeyay Badda Yemen Oo Baaq u Diray Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah waalidiinta dhalay dhallinyaro dhowaan diyaaradaha Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ku duqeeyeen badda Yemen ayaa iyaga oo la hadlay Goobjoog News, waxay ka warbixiyeen carruurtooda iyo xilligii ugu dambeysay, waxayna dhanka kale baaq u direen dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Hooyo Sahra Cismaan Canshuur waa hooyada dhashay Xafso Cumar Yagoori oo kamid ahayd dadkii ku geeriyoodey duqeyntaasi, waxa ay Goobjoog News u sheegtay in gabadheeda ay Laascaanood ka tagtay 10-kii bishii Febraayo, ayna ka war la’ayd muddo ka badan 10 cisho , waxayna lasoo hadashay markii ay Yemen tagtay, iyadoo usii sheegtay iney u socotay Sudan.

“Waxaan la aa muddo 10 cisho ah, waxay ii sheegtay markii ay tagtay Yemen iney u baahan tahay lacag ay ku iibsato Jaakado iguna wargelisay iney usii socoto Sudan, lacag 50 doolar ah baan u diray, hadane waa ay isoo wacay waxay ii sheegtay in maadaama ay Sudan ku egtahay safarkeeda laga doonayo lacag dhan Kun iyo Labo Boqol oo doolar, waan u diray lacagtaasi, markii ugu dambeysay Fariin ayeey ii soo qortay oo ay igu dhahday ii soo dueceey waan baxaynaa, markaas ayaa iigu dambeysay, ma fileyn in Gantaal lagu dhufan doono gabadheydii iyo dadkii kale ee la socday” ayeey tiri Hooyo Sahro oo markii hadalkeeda uu intaa marayey ilintu soo dhaaftay.

Mahad Faarax Jaamac, isna waa aabaha dhalay Deeq Mahad Faarax Jaamac oo ku dhintey duqeyntaasi ayaa isna u sheegay Goobjoog News, in dhibaato badan uu maray wiilkiisa intii uu ku socday Yemen, isaga oo tilmaamay in wiilkiisa ay tahriibiyeen dad kale oo reer Laascaanood ahaa, wuxuuna sheegay in Deeq uu ahaa wiilkii ugu dambeeyey ee Reerkiisa, horeyna uga dhinteen 6 rag ah.

“Wiilkeyga Deeq waxa uu ugu dambeeyay 7 rag ah oo aan anigu dhalay, aniga 80 sano jir baan ahay, ilaahay baana ku aqoonsanahay, balse waxaan ugu baaqayaa umadda Muslimiinta ah iney wax ila qabtaan” ayuu yiri Mahad Faarax Jaamac.

Ugu dambeyn waalidiintan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iney la xisaabtanto cid walbo oo lug ku yeelata duqeynta loo geystay carruurtooda.

In ka badan 30 qof oo dhallinyaro Soomaali u badan ayaa ku geeriyootay duqeyn ay diyaaradaha Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ku garaaceen dooni ay dadkaasi la socdeen.

Goobjoog News