U bood dhigaalka

Waalidiinta Dhallinyaro Ku Xiran Xabsi Ku Yaalla India Oo Codsi u Diray Dolwadda Federaalka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Waalidiinta dhallinyaro Soomaaliyeed oo in ka badan Todobo sano ku xiran xabsi ku yaalla dalka India ayaa ka codsaday dowladda Federaalka in degdeg ay wax uga qabato xaaladda carruurtooda oo kasii dareysa.

Qaar ka mid ah Hooyooyinka dhalay carruurtan oo lasoo xiriiray Goobjoog News ayaa sheegay in wiilashooda aysan ku jirin nolol wanaagsan, ayna yihiin kuwo aan helin daryeel iyo sidoo kale in xuquuqdooda la siiyo.

Waxay tilmaameen in iyagu ay yihiin haween, islamarkaana dhallinyaradaasi u xiran yihiin dowlad, dowladna ay la xisaabtami karto dowlad kale.

“Qof waalid ah oo ilmaheeda xiranyihiin waan dareemi kartaan, aad baan uga gubaneynaa ilmaheena inta meel la’isaga xareeyay oo aan maxkamad lasoo saarin xitaa aan la sheegin in dambi ay leeyihiin, dhibaato badan baa laga soo sheegayaa carruurteenna, mana la ogola in lala kulmo, waxaan dalbaneenaa in hadii dambi leeyihiin dambigooda lagu qaado, hadii aanay dambi lahaynna faraha inta laga qaado lasii daayo” sidaasi waxaa tiri mid ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed.

Dhallinyaradan ayaa xilligii dowladda India u gacan galayeen waxaa lagu eedeeyay inay yihiin Burcad badeed Soomaali ah, hase ahaatee ma jirto illaa iyo haatan cid maxkamad soo taagtay ama dowlad Soomaaliyeed oo kiiska dhallinyaradan dabagal ku sameysay.

Goobjoog News