U bood dhigaalka

Waare: Ma Qabo Inuu Fashilmay Shirkii Garoowe

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in aragti ahaan uu qabo in aanu fashilmin shirkii madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee Garoowe.

Wuxuu tilmaamay in la arkay oo kaliya culeysyada jira inta ay la egyihiin iyo sidoo kale waxa loo baaha yahay in loo gudbo.

Waare ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in la isku soo laabto mar kale oo laga shaqeeyo aayaha dalka iyo in la dhammeeyo wax walbo oo jira.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News