U bood dhigaalka

Waare: Waa La Furayaa Waddooyinka Go’doonsan

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa Sheegay In Dhowaan ay Bilaabanayaan Howlgallo la isugu furayo wadooyinka go’doonsan ee deeganda Hirshabeelle, kuwaas oo muddo ay go’doon ay ku hayeen Alshabab.

Dr Maxamed Cabdi Waare oo maanta xerada iidamada Amisom gaar ahaan tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad qada sharaf ah oo ay saraakiisha ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada gole ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo Heer degmo, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qadada Ugaas Xasan Ugaaas Khaliif, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida qeybihiisa kale duwan.

Sidoo kale  Madaxweynaha oo Sii hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay inta ammaanka Soomaaliya  uusan oo hagaagsaneyn  uusan  geeska Africa aysan nabad noqoneynin  taa bedelkeedana Ay tahay Soomaaliya oo hagaagta in guud ahaan ammaanka gobolka uu hagaagayo

Dhanka kale Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa kaga mahadceliyay wadamada qeybta ka ah ciidamada Amisom ee naftooda u huray  sidii deegaanada Hirshabeelle iyo guud ahaan dalka uu nabad u noqon lahaa , si gaar ah ciidamada ka howlgala Hirshabelle, isagoo ku ammaanay doorkooda lama ilaabaanka ah, waxaana madaxweynuhu carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furo wadooyinka Kala xiran ee go’doonka ku jira.

Ugu dambeynta madaxweynaha ayaa Shahaado Sharaf ay saraakiisha ciidamada Itoobiya ay ugu talo galeen guddoonsiiyay xubnaha maamulka shahaado sharaf ay ku muujinayaan wadashaqeynta.
Goobjoog News