U bood dhigaalka

Waare: Waxaan Qaadi doonnaa Howlgallo Amniga Lagu xaqiijinayo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan Al-shabaab kuwaasi oo lagu xaqiijin doono ammaanka deegaannada Maamulka.

Waare ayaa ka hadalkan sheegay xilli maanta uu dib ugu soo laabaty Magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle, mar uu arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri.

“Xaaladda amniga dhibaato xoog leh ayay nagu heysaa gaar ahaan jidadka xiran sida ugu dhaqsiyaha badan waxaad arki doontiin dhaqdhaqaaqyo xoog leh waa ay naga go’antahay in aan ka shaqeyno ammaanka dalkeenna “.

Madaxweyne Waare ayaa dhanka sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay ku dabo jireen Mashaariic horumarineed oo wax looga qabanayo dhaqaalaha deegaannada Hirshabelle arrintaasna lagu guuleystay.

“Waxaan dabo gal ku sameynay Mashaariic aan howlgalkooda ku jirnay waa ayna soo dhamaadeen waxaa ka mid ah Mashaariicda soo dhamaaday dhismaha xarunta Baarlamaanka oo bishaan la dhagax dhigi doono Madaxtooyadii ugu horreysay ee Hirshabelle iyada dhowaan ayaa la dhagax dhigi doonaa”.

Waayadii dambe waxaa ka jiray qaar ka mid ah deegaannada Maamulka Hirshabelle gaar ahaan wadada xiriiirisa Muqdisho iyo Jowhar halkaasi oo Al-shabaab ay jidka u galaan safarrada madaxda Maamulka.

Goobjoog News