U bood dhigaalka

Waaxda Dabdamiska Maamulka Gobalka Banaadir Oo Sheegay In Ay Ku Guuleysteen Daminta Goobo Badan Oo Dab Ka Kacay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaada maamulka gobalka Banaadir u qaabilsan dab daminta ayaa sheegay in ay ka hortageen goobo badan oo ku yaala magaalada Muqdisho in uu faafo dab ka kacay.

Agaasimaha waaxdaasi Cabdulaahi Maxamed Cabdulle oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in maamulka gobalka uu haysto qalab loogu tala galay in lagu damiyo dabka iyo sidoo kale shaqaalo u tababaran.

Waxa uu Agaasimaha intaasi warkiisa ku daray in Sanadkani ay soo saari doonaan tirakoob guud ahaan hantida ku baaba’day dabka ka kacay Muqdisho, waxaana uu si hordhac ah u sheegay in ay damiyeen ilaa 53 meel oo dab uu ka kacay.

Agaasimaha ayaa soo hadal qaaday dhanka kale xiriirka kala dhaxeeya ganacsatada Soomaaliyeed si hadii dab uu u kaco ay ula soo xiriiraan, isaga oo sheegay in ay leeyihiin Taleefano gaar ah oo dadka kala soo xiriiri karaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News