U bood dhigaalka

Waaxda dad dhigista gobalka Banaadir oo sheegtay in ay kordhisay xarumaheeda

Sheeko:Dalka

Waaxda dad dhigista maamulka gobalka Banaadir ayaa shaacisay in degmooyinka galbeed ee gobalka banaadir ay warqadaha dhalashada iyo sugnaanta ay ka qaadan doonaan xarunta degmada Wadajir.

Qoraal ka soo baxay maamulka waaxda dad dhigista gobalka ayaa lagu sheegay in dadka degmooyinkaas deggan ay xarun uga fureen gudaha degmada wadajir.

“Waxaan ogaysiineynaa shacab ku nool gobalka Benaadir, gaar ahaan qaybta Galbeed oo ka kooban, afar degmo iyo hal deegaan, kuwaasoo kala ah; Wadajir, Dharkenley, Kaxda, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley laga billaaba berri oo ay taariikhdu tahay 05/02/2023, in dhalashada iyo sugnaanta ay u doonan karaan laanta cusub ee waaxda taasoo laga furay gudaha xarunta degmada Wadajir,” ayaa lagu yiri qoraal waaxda dad-dhigista laga soo saaray.

Shacabka ku nool degmooyinkaan ayaa  ahaa kuwa markii hore ka doonan jiray warqadda xarunta wayn ee waaxda dad dhigista gobalka Banaadir.

Goobjoog News