U bood dhigaalka

Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo maanta qabatay baasabooro been abuur ah

Sheeko:Dalka
Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud, Sawir qaade: Munasar Maxamed Cabdi
Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud, Sawir qaade: Munasar Maxamed Cabdi

Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Baasabooro si sharci darro ah loogu safray iyo dad si sharci darro ah ku yimaaday Soomaaliya.

Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud oo saxaafadda maanta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen baasabooradan oo lagu dhajiyay dal ku gal (fiisooyin) Suudaan ah kuwaasi oo la doonayay in lagu safro. Baasaboorada ay waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha  gacanta ku dhigtay ayaa gaaraya 42 baasaboor.

Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen labo nin oo lagu sheegay in ay iibinayeen oo ay sameynayeen baasabooradan sida sharci darada ah loo adeegsanayay.

Labada nin ee la qabtay ayaa dhankooda  ku andacooday in baasaboorada ay u wadeen arday soomaaliyeed oo wax ka barta dugsi ku yaalla Suudaan oo ay sheegeen in uu ku xujeeyay baasabooradan.

Dhanka kale, Gaafoow  ayaa warbaahinta u sheegay in ay maalmo ka hor gacanta ku dhigeen muwaadin u dhashay dalka Zanzibar oo watay baasaboorkii hore ee Soomaaliya, isla markaana uu ka yimid dalka Isra’il.

Waxa uu tilmaamay taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya in ruuxan ay u gudbiyeen laamaha sir doonka dowladda si ay ula wareegan kiiskooda isaga oo wel wel ka muujiyay halista uu leeyahay adeegsiga baasaboorkii hore ee Soomaaliya.