U bood dhigaalka

Wabiga Jubba Oo Ku Fatahay Deegaanno Ka Tirsan Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Wabiga Jubba ayaa lagu soo waramayaa in uu ku fatahay deegaanno ka tirsan gobalka Gedo, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare hantiyeed.

Degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo iyo deegaanno ku dhaw degmadaasi ayaa la sheegayaa in Wabiga uu kusoo fatahay.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan halka Wabiga uu ku fatahay oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen in Dalag beereed badan uu halkaasi kaga baaba’ay.

Wabiga ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo buux dhaafiyay, balse fatahaadda ayaa sabab u noqotay ka dib markii roob badan uu halkaasi ka da’ay.

Xasan Cali oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Buurdhuubo ayaa sheegay in dadka hadda ay noqdeen kuwo aan waxba haysan, maadaama beerihii ay ku noolaayeen ay la tageen Biyahii.

Dhinaca kale Tuulooyin ka mid ah gobalka Gedo ayaa lagu soo waramayaa inay go’doomiyeen biyo badan oo kasoo rogmaday Wabiga Jubba.

Roobka Xilliga deyrta ah ayaa ka billawday deegaanno badan oo gobalada dalka ah, waxaana jirta sidoo kale deegaanno ay kusoo fataheen Wabiyada Jubba iyo Shabelle.

Goobjoog News