U bood dhigaalka

Wabiga Shabeelle oo Ku Fatahay Tuulooyin Hor Leh oo Dhaca Gobolka Shabeellaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Tuulooyinka Buur-fuule, Oobaale, Diinlaaw, Timire hurawa,  Kaluundi iyo kuwa kale ayaa  waxaa lasoo sheegayaa inay gaareen Fatahaada wabiga Shabeelle oo maalmahii lasoo dhaafay ku fatahay deegaano hoostaga Degmada mahadaay.

Biyaha yaa gaaray ilaa iyo kun hegtar  oo xiligaan dalagyo kala duwan ay ku beernaayeen waxaana dhammaan ay biyaha xaalufiyeen waxyaabihii ku beernaa.

Cabdullaahi Yuusuf Xuseen oo ah  Gudoomiyaha Tuulada Buurfuule oo kamid ah tuulooyinka hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay  in xilgaan Tuuladiisa ay ubaahantahay in la magacaabiyo guddiga  sidii biyaha wabiga loola tacaali lahaa waxaana sidoo kale uu  sheegay  in xitaa aysan heysan  jawaano lagu caro tuuro  biyaha si loo celiyo.

“Waxaan ku dadaaleynaa sidi aan u celi laheyd Biyaha mana heysano wax jawaano ah oo aan Biyaha nku Celino sidaa daraadeed waxaan iska kaashaneynaa la tacaalidooda “Sidaas ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf Xuseen.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Xaji Isgoowe ayaa sheegay  inay ka awood badatay fatahaada dadka ku nool Jowhar iyo  Mahadaay  islamarkaana ay halis ku jiraan loona baahanyahay in Dowlada Dhexe ee dalka ay ka garabsiiso sidii looga hortagi lahaa qasaaro ka dhaso wabiga shabeelle uu geesanayo.

Goobjoog News