U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Hoostaga Degmada Mahadaay, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Dhexe gaar ahaan deegaanno hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe halkaasi oo dad badan ay ka barakaceen.

Biyaha wabiga ayaa ka baxay ilboyood lagu magacaabo Huriwaa oo ku taalla degmada Mahadaay, iyadoo deegaanno dhowr ah ay biyuhu ay gaareen.

Maamulka degmada Mahadaay oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in awoodooda aysan ahayn inay wax ka qabtaan fatahaadda wabiga Shabelle.

Waxay tilmaameen inay kala xirmeen deegaanno badan oo ka mid ah gobolka Shabellehe dhexe gaar ahaan Mahadaay iyo deegaannada hoostaga.

Dhinaca kale biyo kasoo rogmaday wabiga Shabelle oo go’doomiyey tuulooyin ay ka mid tahay Bayxaaw ayaa lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen cudurro ay duumada ka mid tahay, iyadoo gargaar caafimaadna aanu jirin.

Wabiga Shabelle ayaa fatahaad ka sameeyey deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News