U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Hor Leh Kana Mid Ah Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Horaantii Bishii April wixii ka dambeeyay waxaa sii xoogeysanaya fataahadda wabiga shabelle ee deegaano ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe, iyadoo wabiga uu ku fatahay deegaanno hor leh.

Tuulada Jameeca Misir-weyn oo ka mid ah deegaanada gobalka Shabellaha dhexe waxaa dhawaan ku fatahay Wabiga Shabelle, iyadoo dadkii deganaa ay la yihiin meel ay degaan, maadaama guryahooda wabiga uu ku fatahay.

Mid ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool gobalkaasi waxa ay u sheegtay Goobjoog News, iyada oo ilintu ka socoto in biyaha ay yihiin kuwo aan waxba u reebin, islamarkaana ay meesha ku dacdareysan yihiin.

Waxa ay ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay usoo gurmadaan, maadaama xaaladda ay tahay mid aad u adag.

Wabiga Shabelle ayaa sanadkaan waxa uu aad ugu fatahay tuulooyin badan oo hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Balacad oo ka tirsan gobalka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News