U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe, kaasi oo saameyn ku yeeshay dad badan oo shacab ah.

Tuulada Beyxaaw ayaa ka mid ah meelaha uu ku fatahay wabiga Shabelle, waxaana barakacay dad badan oo halkaasi ku dhaqnaa.

Xaamud Axmed oo ah guddoomiyaha tuuladaasi oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in Wabiga uu kusoo fatahay qiyaastii 8 km, islamarkaana ay dadkii ka barakaceen hareeraha Wabiga.

“Shalay oo dhan waxaan wadnay dadaal xooggan oo aynu ku dooneyno in saameyn weyn aanu nagu yeelan Wabiga nagu soo fatahay, meel yar ayuu markii hore Wabiga kasoo fatahay, laakiinse wey sii xoogeysatay, habeen hore meel dhan ayuu soo jabsaday deegaanka wuxuu soo galay qiyaas ahaan 8 Mitiri, shacabkii dhanna waxayu wadaan gurmad xoggan.

Deegaanno badan oo hoostaga degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar ayaa lagu soo waramayaa in Wabiga uu ku fatahay, waxaana tani ay imaaneysaa xilli digniino adag laga bixinayey fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabelle.

Goobjoog News