U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Degmada Mahadaay Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Wabiga Shabelle uu ku fatahay degmadaasi, kaasi oo saameyn ku yeeshay xaafado badan oo ka mid ah degmada Mahadaay.

Gudoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Wabiga uu kusoo Fatahay Degmada, islamarkaana biyaha ay soo aadeen dhanka Laamiga weyn ee degmadaasi.

Waxa uu sheegay in 2-kun oo qoys ay guryahoodii ka barakaceen, ka dib markii biyo badan ay buux dhaafiyeen halkii ay deganaayeen dadkaasi.

“Wabiga aad ayuu degmada ugu soo fatahay, Laba Kun oo qoys guryahooda ayeey ka barakaceen, waxaa buuxiyay guryahii Biyo, waxaa isku furmay bulaacadihii iyo biyahii kasoo fatahay Wabiga” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Mahadaay ee Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ka maamul ahaan aanay xilligaan wax tabar ah u ahayn wax u qabashada shacabka guryahooda ka barakacay, ayna ka daaleen baaqyo kala duwan oo dowladda Federaalka u direen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale gudoomiya Axmed Xuseen Afrax ayaa sheegay in degmada ay ka taagan tahay xaalad caafimaad darro ah, isaga oo ugu baaqay maamulka gobalka Shabellaha dhexe in dadka ku dhiban degmada Mahadaay ay lasoo gaaraan gurmad degdeg ah.

Waxaa horay looga digay in Soomaaliya gaar ahaan gobalada ay marayaan Wabiyada Jubba iyo Shabelle ay ka da’aan roobabka Elnino, kaasi oo laga yaabo in fatahaad iyo dabeylo ay ka dhalato.

Goobjoog News