U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wabiga Shabelle ayaa lagu soo waramayaa inuu ku fatahay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baladweyne kaasi oo saameyn ku yeeshay dadkii shacabka ahaa.

Labo ka mid ah Afarta xaafadood ee magaalada Baladweyne ayaa la sheegay in wabiga uu kusoo fatahay, iyadoo biyaha ay ku siqayaan xaafado kale.

Xaafadda Xaawo Taako ayaa ka mid ah meesha uu ku fatahay Wabiga, iyadoo la sheegay in biyuhu ay kasoo baxeen Killi weyn oo halkaasi ku yaallay.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadan ayaa u sheegay Goobjoog News in shacabka ay rajo ka qabeen in biyuhu ay laabtaan hase ahaatee maalinba maalinta ka dambeysay ay biyuhu sii xoogeysanayaan.

Dad u badan Waayeello iyo Carruur ayaa ka barakacay xaafadda Xaawo Taako oo Wabiga kusoo fatahay.

Cabsida ugu daran ee hadda jirta ayaa ah in Fatahaadda ay intaan kasoo xoogeysato islamarkaana dad badan uu saameeyo.

Cumar Aadan Deeqow oo ah duqa magaalada Baladweyne oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in fatahaadaan ay billaabatay islamarkaana biyo badan ay hadda soo gaaraan deegaanno qiyaastii 50 Km u jira Baladweyne taasi oo sii cabsi gelisay shacabka Magaaladaasi.

“Shalay waxaan ka qeylineynay biyo la’aan maantana waxaan ka qaxeennaa biyaha Allaa mahad leh, waxaa sii yaraanaya qarka Wabiga waxaana uu u baahan yahay in la dhiso xoogooda waxay soo socdaa meel la yiraahdo dhuun raaxo oo 48-km inoo jirta waliba si xowli ah bay kusoo socdaan, magaaladana waa laga kala cararayaa xaalad adag ayaa ka jirta magaalada waana in shir degdeg ah laga galaa sida looga hortagi karo arrinkaasi, shacabkana ay u baxaan meelaha la aadi jiray” ayuu yiri duqa magaalada Baladweyne.

Roobab ka da’aya dalka Itoobiya iyo sidoo kale kuwo ka billowday dalka ayaa loo sababeynayaa biyaha badan ee uu keenay Wabiga Shabelle, mana ahan oo kaliya in Wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyay Magaalada Baladweyne ee sidoo kale waxa uu ku fatahay deegaanno ka mid ah Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News