U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Xaafado Ka Tirsan Jowhar

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Wabiga uu ku fatahay xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Xaafadda horseed ayaa la sheegay in Meesha ugu daran ee Wabiga uu ku fatahay ay tahay, iyadoo biyaha ay soo mareen Kanaal ku yaalla Dhanka warshaddii Isnaay Biyaaso.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan xaafadda Horseed ee ay guryahooda biyaha u galeen ayaa bilaabay iney halkaasi isaga barakacaan, iyaga oo aadaya xaafadaha kale ee aanay fatahaaddu gaarin.

Dhammaan xarumihii ganacsiga iyo goobaha waxbarashada ee xaafadda Horseed Ayaan shaqeyneyn, kadib biyo badan oo gudaha u galay xarumahan.

Guddoomiyaha Magaalada Jowhar, Cismaan Maxamed Mukhtaar ayaa ugu baaqay shacabka Jowhar iney isku tashadaan, islamarkaana aanay ka war sugin hay’ad samofal ama wax la mid ah.

Waxaa socda dedaal badan oo uu wado maamulka gobolka Shabellaha dhexe iyo kan Jowhar, iyaga oo doonaya iney xiraan meelaha Wabiga uu kasoo fatahay.

Goobjoog News